Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn (2024)

Halkani waxaan kugula wadaageynaa sheekooyin qosol badan oo gaaban, waxa ay isugu jiraan ila qosol, Kuwo reer Mudug ah iyo sheekooyin ku saabsan guurka.

Sheekooyinkani kaliya ma ahan sheekooyin qosol badan ee sidoo kale waa sheekooyin xikmad leh.

Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn (1)

Marka la soo hadal qaado sheekooyinka kuwooda ugu qosolka badan, dhalinyaro badani waxaa qalbigooda ku soo dhaco sheekooyin qosol badan gaar ahaan kuwo ku saabsan Reer Mudug.

Maxaa yeeley dhalinyaradu aad ayey u xiiseysaan sheeko qosol badan oo reer Mudug ah, qaasatan kuwooda qosolka leh.

Sidoo kale waxaa jiro dhalinyaro doob ah oo iyana ka helo sheekooyinka kuwooda ku saabsan guurka. Hadaan hadalka sii jilciyo sheeko wasmo ah. Dabcan in laga sheekeeyo ma ahan sheeko wasmo ah mana ahan wax qurux badan laakin dhalinyaro beey dooqoodu tahay.

Of course sheekooyinkeena kuma saabsano sheeko wasmo ah, kacsi leh ama ku saabsan galmada, ee waxaan rabnaa in aan idinla wadaagno kaliya sheekooyin qosol badan o gaaban kuwooda xikmada leh.

Sheekooyin qosol badan gaar ahaan kuwo xul ah

  1. Sheeko qosol badan reer Mudug
  2. Sheeko gaaban maseer
  3. Juxa Sheeko Gaaban oo aan caadi ahayn
  4. Sheekooyin Qosol Badan Oo Gaaban: Arday iyo Macalimadiisa
  5. Sheeko Gaaban: Nin iyo Xaaskiisa
  6. Sheekooyin qosol gaaban: Gabar 3 jeer guursatay
  7. Sheekooyin qosol badan oo gaaban: Nin reer baadiye ah
  8. Sheeko nin iyo naag is qaba
  9. Sheeko qosol gaaban: Nin ku haminayo in uu noqdo afar xaasle
  10. Sheeko gaaban: Nin reer baadiye ah oo safar ah
  11. Sheekooyin qosol badan: Jaceylka xaaskeyga
  12. Sheekada ugu gaaban: Nin reer Mudug ah
  13. Nin daawanayay shaleemo hindi af Somali ah
  14. Sheeko Juxa iyo Geerida
  15. Nin xaas guursaday
  16. Sheeko Xariif ku xiran BBC Somali misana marqaansan

1. Sheeko qosol badan reer Mudug

Xariif reer Mudug ah oo ay labada ilkood oo hore ka maqan yihiin, ayaa qof siduu ugu sheekeynayay ku tiri:

Xabiibi, waan qoyay. Markaas buu intuu isu bogay ku yiri:

Hadalkeyga miyaa dareen kugu beeray?

Gabadhi oo su’aashiisa ka jawaabeyso ayaa ku tiri: Maya ee markaad hadleyso calyaa ka daadaneyso.

2. Sheeko gaaban maseer

Nin baa wuxuu qabay naag aad u maseer badan. Wuxuu damcay in uu la guursado naag kale. Wuxuu ka fikirayay siduu ugu sheegi lahaa. Kadibna waxa timid xaskiisa, aragtayna isagoo fikirayo oo murugeysan kuna tiri:

Macaan maxaa kugu dhacay oo aad la fikireysaa? Markaasuu ku yiri:

Gacaliso boqorka wadanka ka taliya baa wuxuu amar ku bixayay, ninka ugu yar waa inuu labo xaas leeyahay, haddii kale madaxa halaga gooyo.

Aniguna in aan kula guursado naag kale marabo ee maxaan sameeyaaa?

Markaasey ku tiri: Macaan dhib malahan ee shahiidnimo isaga dhimo.

3. Juxa Sheeko Gaaban oo aan caadi ahayn

Hadda ka hor baa Juxa la yiri adaa cod macaan lehee, salaada cishaha na tuji.

Markaas ayuu Juxa aqbalay.

Kadib dadkii baa Juxa kala dhamaan waayay, cod macaanidaa. Markaasuu Juxa yiri:

Weliba ma aanan weyso qabin, hadaan weyso qabi lahaa, waa la yaabi lahaa.

4. Sheekooyin Qosol Badan Oo Gaaban: Arday iyo Macalimadiisa

Wiil yar ayaa Macallimad wax barta rabay in uu wax weydiiyo, intuu u tegay ayuu misana ku yiri: Hadhow xiisadda kadib haddii aad firaaqo tahay, Waxaan rabay in aan si gooni ah kuula hadlo, Waxay ku tiri: “Haye”.

Markii uu waqtigii soo dhowaaday ayey ku tiri: “Maxaad rabtay?”.

Wiilkii yaraa baa yiri: “Waxaan dareemayaa in aan fasalkaan iyo anigu aanan isku heer ahayn, waxaana kaa codsanayaa, haddii aad ii awooddo in aad igu darto ardayda dhigata dugsiga sare ” ee ma ii awooddaa”?

Iyadoo loo tixgelinayo codsigiisii ​​ayaa wiilkii yaraa loo diray maamulaha iskoolka , wuxuuna go’aamiyay in laga qaado ardayga imtixaan qiimayn ah si aqoontiisa loo tijaabiyo.

  • Maamulaha: “4×3?”
  • Ardayga: “12”
  • Maamulaha: “5×6?”
  • Wiilkii: “30”
  • Maamulaha: “Waxaad sheegtaa caasimadda Japan?”
  • Wiilka: “Tokyo”

Maamulihii wuxuu wiilkii su’aalaha weydiinayay ku dhowaad saacad hal su’aalna ma uusan qaldin, Kadib macalimadii baa codsatay bal in ay iyaduna markeeda su’aalo weydiin karto:

Su’aalaha Macalimada

  • Waxaad sheegtaa waa maxay waxa ay lo’du afar ka leedahay anigana labo ka leeyahay? “
  • Maamulihii oo yaabay baa eegay macallimaddii !!
  • Wiilkii yaraa: “Waa lugaha Macallin”
  • Macallimadii: “Sax weeye, waxaad sheegtaa surwaalkaaga wax laga helayo oo aan keyga laga heleyn?”
  • Maamulihii baa xishooday oo wajiga kaduuday !!
  • Wiilkii: “Waa jeebka”
  • Macallimada: “Xagee laga helaa timaha adag ee leeyihiin dumarka?”
  • Maamulaha afkuu kala taagay !!!
  • Wiilkii: “Afrika”
  • Macallimadii: “Waa maxay waxa jilicsan oo ku adkaada gacmaha dumarka?”
  • Wadnahaa istaagay maamulihii !!
  • Wiilkii: “Waa Nail polish-ka dumarka cijiyaha marsadaan”
  • Macallimaddii: “Maxaa laga dhex helaa dumar iyo ragba bartamaha lugohooda?”
  • Maamulihii: Amakaag baa kasoo haray !!
  • Wiilkii: “Waa jilbaha”
  • Macalimaddii: ” Baraafo waxaad sheegtaa waxa ay leedahay naagta la qabo kaasoo ka weyn kan gabadha aan la guursanin?”
  • Maamulihii wuu qaboobay !!
  • Wiilkii: “Waa sariirta”
  • Macalimada: “Sheeg meesha jirkayga ka midka ah oo aadka u qoyan hadda?”
  • Maamulihii cirkuu eegay yaxyax dartiis.
  • Wiilkii yaraa: “Macallin waa carabka”

Maamulihii wuxuu yiri: “Nacallaa fikirkayga xun ku taale adiga Jaamacad baan ku geyn, anigana dugsi hoose baan ku laaban.

Waa Barnaamij wacyi gelin ah oo loogu magac daray “Niyadaada kasaar waxa xun si edeb lehna u fikir.”

5. Sheeko Gaaban: Nin iyo Xaaskiisa

Nin ayaa guursaday Gabar, wuxuu ula noolaa si deggan oo fiican, wuxuu ahaa nin aamusan oo aan hadal badneyn. Biilka iyo nadaafada si fiican ayuu uga soo bixi Jiray, aadna wuu u Jeclaa xaaskiisa, iyaduna sidoo kale.

Wax walbaa oo ay u baahan tahay xaaskiisa wuu u keeni jiray. Laakin Sheeko, ciyaar iyo Kaftan, midna lama uusan lahayn. Waxa ay weydiisato wuu siinaayay oo wuu u keenaayay, nin baahida xaaskiisa ka gaabiya ma uusan ahayn.

10 Sano ka dib ayay gabadhii fikirtay, waxa ayna sameysay, maalin maalmaha ka ah ah isagoo shaqadiisa u socda, ayaa waxa ay siisay cajalad aan waxba ku duubneyn misana faaruq ah.

Waxa ay ku tiri marka aad sii socoto sii dhageyso cajalada kadibna canjaladii buu ku Riday Rikoorkii, misan codba maba lahan, cajaladdii ilaa ay ka dhamaato ayeey u shidneyd.

Markuu ka daalay cajaladdii ayuu xaaskiisa u wacay, wuxuuna ku yiri: – Cajaladaan waxba kuma Jiraan xabiibti oo weey maran tahay.

Kolkaas ayeey ku tiri: – In yar sug, weey bilaabmi doontaaye. Wuu sugay oo wuu rogrogay weli wey hadli la’dahay oo wax ah cod ah malahan.

Haddana wuu la hadlay mar labaad, waxeyna ku tiri sidii oo kale in yar sug weey soo hadleysaa.

Intaa kadib wuxuu gaaray shaqadiisa, welina cajaladii cod lagama haayo oo sidii ayeey u aamusan tahay. Xaaskiisii ​​ayuu mar saddexaad la xiriiray wuxuuna ku yiri: –

Waxaad i siisay cajalad maran oo aan waxba ku jirin. Waxeyse ku tiri marka aad soo baxeysid galabta ku day oo shid markaasi.

Haddaba, si walba wuu sameeyey oo waxba iskama beddelin, mar afraad ayuu la hadlay xaaskiisa, wuxuuna u sheegay in eysan waxba ku jirin oo ayna shaqeeneynin.

Gurigii ayuu soo gaaray isagoo xanaaqsan, wuxuuna ku yiri: – Ma aniga ayaad igu ciyaareysaa? Kolkaas ayeey ku tiri: –

Aaway cajaladii? Wuu u dhiibay. waxa ayna ku tiri in yar iska naso, kadibna waxa ay soo qaaday rikoorkii, weyna ku riday cajaladii.

Waxa ay ku tiri kaalay dhagayso, wuu u yimid, wuxuu sugay dhowr daqiiqad weli waa sidii. Wuxuu ku yiri: Sow ma Arkeysid in ay aamusan tahay cajaladu?

Waxay ku tiri in yar sug oo sabar, wuxuu sugay oo weli cod malahan, sidii ayeey markasta waxa ay leedahay in yar sug oo sabar. Markii dambe ayuu ku yiri: –

Maanta oo dhan ayaad i leedahay sug in yar oo sabar. Waxay ku tiri: – in yar sug oo sabar, wuxuu yiri ma sabri karaayo intaasi ka badan ee inaga daa quraafaadkaaga.

Ka dib inta ay demisay cajaladdii ayeey waxa ay ku tiri: – Zowjkeygiyoow ma awoodid in aad u sabarto cajalad nus saacadood socaneyso, aniguna waxaan ku sabraayay 10 sano adiga oo aamusan.

Ninkii wuu fahmay ujeeddada xaaskiisu ka lahayd cajaladaan, kadibna wuu fekeray, wuuna hagaajiyay naftiisii, xiriirkii xaaskiisana wax buu ka beddelay, xaalkeediina wuu is bedelay fikradaas yar ee ay samaysay oo kaliya.

6. Sheekooyin qosol gaaban: Gabar 3 jeer guursatay

Waxaan ku dhiiradaa in aan dadka u sheego sababta labo jeer oo hore la ii furay. Hadana Guurkii 3-aad ayaan wadaa.

2008 guurkeeyga ugu horeeyay ayuu ahaa. Baahiyaha jira awgeed iyo markaan Yurub soo galay oo nolasha cariiri noqotay ayaan kala tagnay ninkeeyga koobaad”

2015 markale ayan isku dayay inaan guursado laakin wuxuu buuxin waayay baahiyaheeyga gaarka ah. Wuxuu kaloo bilaabay markii dambe inuu ii gacan qaado. Reerkeyga ayaana iga furay”

2017 anigoo islahaa markale ma guursan doontid ayaa Ninkeeygii 3-aad guursaday. Waana nin aad u wanaagsan oo aan ku faraxsanahay.

Sacdiya Axmed Rashiid oo BBC Somali la hadashay ayaa sheegtay in 3 jeer guur soo martay iyadoo haatan jirta 30 sano.

Qish, baro sida aad ku ogaan karto: ninka xaaskiisa si daacad ah u jecel

7. Sheekooyin qosol badan oo gaaban: Nin reer baadiye ah

Gabar reer miyi ama reer baadiye ah aya aya waxay aragtay wiil xafadooda imaanayo. Markaa ayeey walaalKeed ku tiri: Walaal ninkaan muxuu naga rabaa?

Walalkeed ayaa isagoo su’aasheeda ugu jawaabayo ku yiri:

Waa caadi wuu noo imadaa oo kaliya.

Weey aamustay maalmo kadib ayeey hadana aragtay isagoo reerkooda lacag siinayo, markaa ayeey walaalkeed u wacday misana ku tiri:

Walaal ninkaan lacagta uu idin siiyay maxaay ahayd?

Walalalkeed ayaa ku yiri:

Saciisa waras ayuu soo gatay markaana lacagta ayuu wax naga siiyay.

Gabadhii weey aamustay.

Maalintii danbe ayaa gabadhii lagu yiri: Hebel ayaa ku soo doonay walaalahaa iyo waalidkaana weey ku siiyen.

Markale weey aamustay gabadhii.

Isbuuc kadib waa loo guri geeyay, markii ay labadoda isku soo hareen ayey tirisay gabaygaan:

  • Waxaad la waalwaalaneysay
  • Waxaad la watiitineysay
  • Sacaadi waras u gaday
  • Walaalkeyna lacag u siisay
  • Walaalnimo kama ahayn
  • Waxaad rabtay inaad i wasto

Weeyna ka caratay.

Xariifkii ugu dambeys naag la’aan iyo xoola la’aan ayuu iska noqday.

8. Sheeko nin iyo naag is qaba

Nin iyо Nааg is qаbа аyаа wаxa аy ku heshiiyeen in аy summer kа (xilligа xаgааgа ah) ааdааn hоteel bаddа ku аg yааllаy оо аy 20 sаnо kа hоr ku аqаlgаleen, lааkiin nааgtii аyаа mаshquushаy, wаynа bixi wаydаy.

Ninkii keligii аyeey fаsаxdаy, wаxa аynа ku tiri “wааn kаа dаbа imааnаyаа.


Ninkii hоteelkii mаrkuu tegаy isаgоо boorsadiisa iyо dhаrkiisii hаbeysаnааyo аyuu si lаmа filааn аh u аrkаy соmрuter qоlkiisа yааllа оо Internet leh, islаmаrkiibа wаxаа ku sоо dhасdаy fikrаd аh inuu xааskiisа wаrqаd emаilkа ugu dirо.

Mаrkii uu wаrqаddа qоrаy аyаа wаxаа kа qаldаmаy xаrаf kа mid аh сinwааnkа xааskiisа, wаxаynа fаrriintii u dhасdаy hаweeney kаle оо аy asааy u sааrаn tаhаy, оо mаrkааs kа sоо nоqоtаy ааskа ninkeedа.

Emаilkа mаrkii аy furtаy оо аy fаrriintа аkhridаy kursigа аyeey kа dhасdаy, kаddibnа wаy suuxdаy. Wiilkeedа аyаа u sоо gаlаy wuxuu аrkаy hооyаdii оо dhulkа tааllа оо ааn dhаqdhаqааq оо dhаn lаhаyn, shааshаddii аyuu fiiriyаy wаxааnа uu аrkаy wаrqаddii оо u qоrаn sidаn:


Mасааn si nаbаd аh аyааn u tegаy, wаxаа mасquul аh inааd yааbtо mаrkа ааd аrаgtо wаrqаddeydа. Hа yааbin wааyо соmрuter аyаа meeshа lооgu diyааriyаy dаdkа.

Qоf kаstа wаrqаd buu u dirsаn kаrаа dаdkа uu jeсel yаhаy.

9. Sheeko qosol gaaban: Nin ku haminayo in uu noqdo afar xaasle

Nin oday ah baa maalin walbaa marka uu salaada tukado, waxa u ku duceysan Jiray:

ILAAHOW: Naag Labaad ii sahal.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa markuu salaada ka baxay xaaskiisa soo ag istaagtay.

Saaxiibkaa kulahaa “Ilaahow siddii aan isku ogeyn lee ha inoo ahaato..

10. Sheeko gaaban: Nin reer baadiye ah oo safar ah


Оdаy reer bааdiye аh аyаа u sоо sаfаrаy mаgааlаdа bil Rаmаdааn welinа Rаmаdааnkа mа usаn u sоо sаfrin mаgааlаdа.
Hаbeenkii buu suuqа tаgаy islаmаrkааnа mаsааjid lаgu tukаnааyо аyuu аrkаy. Сishаhа buu is yiri ku sоо tukо yuusаn ku dhааfinee.

Mаsаajidkii buu jаmаaса lа xirtаy ileen tаrааwiix bаа lа tukаnааyee. Оdаygii isаgоо yааbsаn buu dhаmeestаy sаlааddii. Mаsааjidkii mаrkа uu kа sооbаxаy аyuu аrkаy 3 оdаy оо iswаreesnаyа mid bа yiri:

Wаr siсir bаrаr bаа dhасаy ee sоnkоrtii imisааd ku оgаydeen?

Mid bаа u jаwааbаy mаrkааsuu yiri “20 dооlаr”.

Hаdаbа “hаddа 40 аyey mаrаysа”

Midkii kаle аyаа isnа yiri:

Oо bааstаdа imisааd ku оgeydeen?

Mаrkааs buu midkii kаle u jааwаbаy оо yiri “10 dооllаr” .

Mаrkааs buu yiri “hаddа 20 аyey mаrаysаа”.

Mаrkааs buu intuu kusоо dhex dhасаy оdаygii reer bааdiyаhа аhаа оdаyааshii is wаreesаnаyаy аyuu yiri:

Wаr sаlааdii сishаhа imiso rаkасо аyааd ku оgаydeen?

Mаrkааs beey оdаyааshii оо yаabsаn ku jаwааbeen “dee 4 rаkсо”.

Mаrkааs buu оdаygii yiri hаddа 23 rаkсо аyey mаrаysаа, wаx kаstibа wey kасeen. hаhаhа.

11. Sheekooyin qosol badan: Jaceylka xaaskeyga

Nin аyаа wuxuu weydiiyаy odаy cааqil аh, sideen ku ogааn kаrаа in xааskeygа аy ii Jeсeshаhаy si dhаb аh?
Ninkii cааqilkа аhаа аyаа yiri: Wааd Оgааneysаа hаddii аy sаmeysо tоbаn sheey оо ааd jeсeshаhаy. Ninkii аyаа yiri ii sheeg 10kа Sheey.

Сааqilkii аyаа yiri:

  • Hаddii аy xaaskaaga Jeсeshаhаy in аy wаx kа ogааtо qааbkа ааd dаdkа ulа dhаqаntо, Оgооw wey ku Jeсeshаhаy.
  • Hаddii аysаn kаа cаrооn mаrkii ааd kа Hоrtimааdо Fikirkeedа, Оgооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy kulа murugооtо mаrkа ааd murugeysаn tаhаy, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy kulа tаshаtо mаr wаlbа kа hоr intа аysаn gо’ааn gааrin, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy ku fаrаxdо mаrkа ааd hаdiyаd u keentо, wаx yаrbа hа аhааtee, ogооw wey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy kаа welweshо mаrkа ааd mаqаn tаhаy, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аysаn wаx dаn аh kа lаheyn, Lасаgtа ku sоо gаshо, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy mаr wаlbа ku dаdааshо wаxа ku fаrаx gelinаayo, wаxа ааd dhibsаneysаnа kugu sоо hаdаl qааdeynin, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy mаr wаlbа mоwduuс keentо, si аy kuulа sheekeysаtо оо kаliyа, ogооw weey ku jeсeshаhаy.
  • Hаddii аy kulа jооgtо mаr wаlbа intа ааd gurigа jооgtid, mаrkа ааd qоlkа sоо gаshаnа аy kаа sоо dаbа gаshо, ogооw weey ku jeсeshаhаy.

12. Sheekada ugu gaaban: Nin reer Mudug ah

Oday reer Mudug ah baa Masaajid ku tukanayay, markii uu salaada ka baxay lagu yiri: Inoo duceey xaaji. Intuu istaagay buu yiri:

Kuwaan aakhiro gablamin

Jirkooduna cadaabtu gubin

Guulow naga yeel

Aamiin

Markaasaa imaamkii ku yiri: Waa heestii Farxiyo Fiskee. Odaygii intuu qoslay buu yiri: Ileyn waad dhageysataa heesaha.

13. Nin daawanayay shaleemo hindi af Somali ah

Nin reer baadiye ah ayaa hada ka hor galay shaleemo, si uu u daawado hindi af Somali ah. Shaleemada waxaa ka socday Filim ajanti ah, oo dagaal ah. Islamarkaan shaleemadu waxa ay ahayd mid cariiri ah oo mala heyn meel la fariisto.

Ninkii wuu istaagay markuu wax yar daawanayay. Kadibna wuxuu arkay fardo iyo xabado la isku bursanayo. Intuu naxay ayuu booday misana dadkii dardaray, wuuna jabay, markaas ayaa waxaa la geeyay isbitaal si loo daaweeyo.

Subaxdii markii la wareystay ninkii oo la dhahay, xalay maxaa ku helay Caliyow?

Kulahaa: Fardihii xalay dadkeey laayeen ayaan ku jiray.

14. Sheeko Juxa iyo Geerida

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Juxa ka qayb galay aas dad badani isugu yimaaddeen, raggii aaska ka soo qayb galay mid ka mid ah oo Juxa ku ogaa in uu si aad ah uga baqo geerida, ayaa Juxa weydiiyey:

Juxoow: in maydka la hor socdo iyo in ladaba socdo midkee aamin ah?

Ninkii waxuu filayey in Juxa baqan doono oo cabbaar ka fikir doono labada dhinac ee la sheegay, kan aaminkana u dhow, laakiin su‘aashaas waxa uu Juxa uga jawaabay si kale oo xikmad badan leh.

Juxa asigoo hadalkiisa ka jawaabayo ayuu ku yiri ninkii:

Halka aad doonto ka soco mar haddii aanad ahayn kan naxashka ku jira.

15. Nin xaas guursaday

Nin ayaa xaas guursaday, habeenkii aqalgalka ayuu soo galay guriga. Markaas ayuu arkay sedex koofi oo miiska korkiisa saaran.

Wuxuu weydiiyay: Maxay yihiin koofiyadahaan?

Waxa ay ugu jawaabtay:

Koofiyadaas waxaa ka dhintay ninkeygii koowaad oo la iga dilay.

Tan labaad waxaa ka dhintay ninkeygii labaad.

Koofida sedexaadna waxaa ka dhintay ninkeygii sedexaad, oo xanuun u geeriyooday.

Markaas ayuu intuu koofi madaxa ugu jirtay siibay, misana ag dhigay koofiyadihii kale ayuu ku yiri:

Koofiyadaana waxaad ku dhahdaa qofkii ku weydiiyo, waxaa iska lahaa ninkeygii afaraad oo lafahiisa la cararay.

16. Sheeko xariif ku xiran BBC Somali misana marqaansan

Sheekadani waa sheekada ugu dambeyso qormadeysan xulka ah ee ku saabsan sheekooyin qosol badan kuwooda aanan caadiga ahayn.

Sheekadu waxa ay ku bilaabaneysaa sida tan:

Xariif marqaansan oo wado Ambalaas, ayaa 15 qof ka soo qaaday goob lagu dagaalamay, isagoo wado 15 qof oo meyd ah ayaa waxaa soo gashay BBC Somali.

Halkani aad naga dhageysaneysaa waa BBC Somali, oo aad ka dhageysataan mowjadaha gaagaaban iyo kuwooda FM ka ah, magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso.

Kadibna BBC da ayaa sheegtay in 10 qof ay dhimatay, intuu baabuurkii istaajiyay, oo gadaal furay ayuu yiri:

5-ta nool soo dega, ciyaarta naga daayee, BBC da ayaa idin sheegtaye.

Gunta iyo Gunaaddka

Waxaan rajeyneynaa in aad ka heshay oo aad si fiican u qososhay. la soco sheekooyin qosol badan qeybta labaad, Lana wadaag asxaabtaada, adigoo kaliya riixayo calamaadaha Social Mediyaha ee halkaan hoose kaaaga muuqanayo.

Waad ku mahadsantahay in aad na soo booqatay!

Related Posts:

  • Sheeko Somali Ah oo Qosol Badan
  • Sheeko Xikmad Leh Oo Gaaban
  • Sadaqada iyo fadligeeda: Qiso gaaban oo cajiib ah
  • Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah
  • Qiso Cajiib Ah Oo Gaaban Misana Leh Xikmad
  • Sheeko jacayl ah oo macaan misana dhab ah
Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Laurine Ryan

Last Updated:

Views: 5819

Rating: 4.7 / 5 (57 voted)

Reviews: 88% of readers found this page helpful

Author information

Name: Laurine Ryan

Birthday: 1994-12-23

Address: Suite 751 871 Lissette Throughway, West Kittie, NH 41603

Phone: +2366831109631

Job: Sales Producer

Hobby: Creative writing, Motor sports, Do it yourself, Skateboarding, Coffee roasting, Calligraphy, Stand-up comedy

Introduction: My name is Laurine Ryan, I am a adorable, fair, graceful, spotless, gorgeous, homely, cooperative person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.