Halista ay leedahay in gabdhaha yaryar ay isticmaalaan alaabaha la isku qurxiyo - BBC News Somali (2024)

Halista ay leedahay in gabdhaha yaryar ay isticmaalaan alaabaha la isku qurxiyo - BBC News Somali (1)

Kororka carruurta yaryar sida kuwa siddeed sano jirka ah ee isticmaalaya waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ayaa sababi karta dhibaato aan waxba laga qabi karin oo ku timaadda maqaarkooda, sida ay ka digeen Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka ee dalka UK.

Carruurta qaar ayaa waaliddiintooda ka codsada waxyaabaha qaaliga ah kaddib markii ay arkeen inay isticmaalaan dadka caanka ka ah baraha bulshada ee ay taageeraan sida YouTube iyo TikTok.

Balse qaar badan oo alaabahaas ka mid ah waxaa ku jira maaddooyin loogu talogalay dadka qaangaarka ah keliya, sida aash*tada maqaarka ka qaada qolofta dhimatay iyo wasakhda.

Waxay sababi karaan xasaasiyad iyo cuncun maqaarka ah.

Sadie oo siddeed jir ah ayaa markii ugu horreysay muuqaallada daryeelka jirka ka daawatay TikTok, halkaasoo dadka ay taageerto ay ka hadlayeen "sida ay ugu fiican yihiin maqaarka".

Waxaa gaar ahaan soo jiitay mid ka mid ah alaabta shirkadda Bubble, kaasoo "markaad hoos u riixdo, uu noqonayo sida [qaabka] ubaxa", ayay u sheegtay BBC News, iyo shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Drunk Elephant sababtoo ah "qaabka loo soo xiray ayay aad uga heshay" waxayna iibisaa kareenka faruuryaha ilaa kareemada jirka.

  • Murankii badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo xukunnadii kale ee ay ridday Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ

  • Abiye Ahmed: 'Itoobiya waxay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya'

  • Garsooraha Soomaaliga ah ee shalay wax ka gaaray go'aankii ay Israa'iil ka carootay ee maxkamadda ICJ

BBC News ayaa sidoo kale farriimo ka heshay waaliddiin badan oo ka walwalsan sida ay ilmahoodu u daneynayaan daryeelka maqaarka – iyo saameynta ay ku yeesheen baraha bulshada iyo saaxiibbada.

Shirkadda Drunk Elephant o oleh loogada xayawaanka marka ay alaabbada baceyneysana adeegsata midab furan waa mid ka mid ah shirkadaha ugu badan ee lagu soo qaato marka dadka baraha bulshada caanka ka ah ay xayeysiinayaan waxyaabaha la isku qurixyo ee dadka waaweyn iyo carruurta loogu talogalay.

Balse qaar badan oo ka mid ah kuwa aadka looga iibsado, oo qiimahoodu yahay ilaa £60 midkiiba, waxaa ku jira maaddooyin aash*to ah oo nadiifiya maqaarka sida alpha iyo beta hydroxy acids iyo maaddada retinol ee ka timaadda vitamin-A.

Muuqaallada daryeelka jirka lagama xannibin baraha bulshada iyadoo muuqaallo badan oo daryeelka jirka iyo nolosha maalinlaha ahna ay soo jiitaan malaayiin qof.

Mid ka mid ah dadka YouTube-ka kusoo bandhiga daryeelka jirka ayaa dhowr kasoo qaadatay TikTok, iyadoo muujineysa carruur isticmaalaya waxyaabo dhibaato leh.

'Ka fogow'

Dadka kale ee baraha bulshada muuqaallada kusoo bandhiga ayaa booqday dukaamada lagu iibiyo alaabaha la isku qurxiyo – iyadoo dadka ka shaqeeya Sephora iyo shirkadda Mareykanka fadhigeedu yahay ee Ulta ay sheegeen in carruurta ay si joogto ah ugu tacaddiyaan alaabaha in la tijaabiyo u saaran iskafaalooyinka ayna meesha ka dhammeeyaan markii ay dukaanka soo galaanba.

Drunk Elephant gaar ahaan ayaa caan noqotay iyadoo haweeneyda aasaastay shirkadda ee Tiffany Masterson ay ku qasbanaatay inay bixiso digniinta ah "carruurta iyo mataanaha ka fogaada alaabaheenna ay ku jiraan aash*tooyinka iyo retinols" ee baraha bulshada lagu xayeysiiyo.

"Maqaarkoodu uma baahna maaddooyinkan weli," ayay tiri.

BBC News ayaa la xiriirtay Drunk Elephant si ay jawaab uga hesho.

Halista ay leedahay in gabdhaha yaryar ay isticmaalaan alaabaha la isku qurxiyo - BBC News Somali (2)

Waxaa dunida ku baahay xiisaha loo qabo alaabta shirkaddan, iyadoo Sadie markii ay aragtay saaxiibbadeed oo ay u suurto gashay inay alaabtaas helaan ay "ka bariday" hooyadeed, Lucy, inay usoo iibiso.

Markii ay ka diidday, oo ay xaqiiqsatay inaysan iyada ku habbooneyn, ayay Sadie ka codsatay xubnaha kale ee qoyska ee aan sidaa uga warqabin dhibaatada ay leeyihiin.

Balse Lucy ayaa sheegtay in alaabtan ay maqaarka Sadie u sababeen cuncun iyo guduud – waxayna ku qasbanaatay inay gabadheeda ka joojiso isticmaalka alaabtan.

"Dhabtii waa adag tahay marka ay tahay ilmahaaga," ayay Lucy u sheegtay BBC News.

"Sadie ayaa jecel inay [daryeelka jirka] la sameyso saaxiibbadeed waxayna dareemeysaa in laga tegay haddii aysan sameyn."

Inkastoo ay xiiseyneyso qudheeda daryeelka jirka, Lucy weligeed "ma aysan maqal" shirkadaha ay dooneysay Sadie.

Lucy ayaa ka mamnuucday Sadie isticmaalka TikTok, maaddaama ay aad u yareyd, balse qaar badan oo ay taageerto ayaa weli si fudud looga heli karaa YouTube Shorts.

"Inaad isku daydo inaad siddeed jir ku barto waxa uu yahay daryeelka jirka ayaa dhabtii adag marka ay jiraan dad saameyn leh oo ay rumeysato si ka badan cid walba oo kale," ayay tiri Lucy.

"Waa ilmaha iigu yar mana aanan fileyn inaan ka walwali doono iyada oo sameyneysa daryeelka jirka iyo inaan da’daas kala taliyo daryeelka jirka.

"Waxay u muuqataa sida in carruurnimadeeda laga qaatay."

Dr Tess McPherson oo ah dhaqtarad maqaarka carruurta ayaa sheegtay inay muhiim tahay in carruurtu helaan "warbixin, oo aysan ahayn marin habaabin" marka laga hadlayo daryeelka carruurta.

"[In ka badan oo ka mid ah] alaabahan waa kuwa ka hortaga gabowga," ayay u sheegtay BBC News.

"Waxaa laga yaabaa inay ku habboonaadaan maqaarka weyn – kuma habboona carruurta.

"Waxay maqaarka u sababi karaan cuncun da’ kasta oo aad tahay – balse waxaa cad in maqaarka da’da yar, ay ku noqon karaan khatar amaba dhibaato.

"Ilmo qaba kor cuncun amaba maqaar xasaasi ah, waxay u sababi karaan dhibaato muuqata.

"Qaar badan oo ka mid ahna aad ayay u caraf badan yihiin waxayna ka qaadi karaan xasaasiyad."

Dr McPherson, oo wakiil ka ah Ururka Dhaqaatiirka Maqaarka ee Britain, ayaa sidoo kale ka walaacsan "qaabka loo baceeyo alaabtan", oo aalaaba ah kuwo midab furan leh oo soo jiita carruurta.

"Alaabtan ayaa loo iibiyaa sida kuwo dhiirrigelin ah balse waxay saameeyaan kuwa nugul," ayay tiri.

Waaliddiinta doonaya inay soo bandhigaan walaaca maqaarka carruurtooda ayay tahay inay la hadlaan dhaqtar amaba kuwa ku takhasusay maqaarka si ay "u helaan daaweyn dhab ah." Ayay intaa ku dartay McPherson.

Halista ay leedahay in gabdhaha yaryar ay isticmaalaan alaabaha la isku qurxiyo  - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Gregorio Kreiger

Last Updated:

Views: 6299

Rating: 4.7 / 5 (57 voted)

Reviews: 88% of readers found this page helpful

Author information

Name: Gregorio Kreiger

Birthday: 1994-12-18

Address: 89212 Tracey Ramp, Sunside, MT 08453-0951

Phone: +9014805370218

Job: Customer Designer

Hobby: Mountain biking, Orienteering, Hiking, Sewing, Backpacking, Mushroom hunting, Backpacking

Introduction: My name is Gregorio Kreiger, I am a tender, brainy, enthusiastic, combative, agreeable, gentle, gentle person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.