Haashim: Duuliyihii hooyadiis kediska uga dhigay in ay saaran tahay dayaarad uu duulinayay iyo sida loo qorsheeyay - BBC News Somali (2024)

Haashim: Duuliyihii hooyadiis kediska uga dhigay in ay saaran tahay dayaarad uu duulinayay iyo sida loo qorsheeyay - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Qoyska

Article information
  • Author, Foos Ciid
  • Role, Wariye

Waa riyo labo mar rumowday, ma ahan wax sahlan in aad ka dhabeyso han iyo hammi aad in badan lahayd iyada oo waliba lagugula taliyey in aad iska deyso ama laguu sheego in aysan kuu suura geli doonin.

Haashim waxaa u rumowday riyadiisii yaraanta ee ahayd in uu noqdo duuliye, mar labaadna waxaa u rumowday riyadiisii ahayd in mar uun waalidkiis ay ka mid noqdaan rakaabka diyaaradda uu duulinayo, waa farxad saddexaade waalidkiis ayey u noqotay maalin cajiib ah ka dib markii ay raaceen diyaarad uu duulinayay wiilkooda Haashim.

Haashim Maxamed Bulaale, waa wiil da’yar noloshiisa ku qaatay kuna wax bartay dalka Denmark balse haatan kunool dalka Spain.

Haashim waxa uu kedis (Surprise) la yaab leh ku sameeyay hooyadiis Anisa, iyadoo qorshaha ay la abaabuleen abbihiis Maxamed Ismaaciil Buraale iyo walaalkiis ka yar Amiir.

“Aniga iyo wiilashayda waxa aan abaabulnay qorshe kedis ah oo aan ugu tala galay xaaskayga Anisa, waxa ay ahayd in aan qoys ahaan mar uun wada raacno diyaarad uu duulinayo wiilkeenna Haashim, waxaana qorsheheennii uu noqday mid qurux badan”, ayuu yiri aabbe Maxamed Bulaale oo ah Haashim aabbihiis, isaga oo BBC-da la hadlayay.

  • Ma dhici kartaa in sanisyahannada ay xal u heleen siraha ku duugan Ahraamta Masar

  • Maxaa iska beddelay adeegyada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan

  • Maxay yihiin shuruucda cusub ee Yurub ee saameynaya tahriibayaasha sii mara Turkiga?

Hooyo Anisa ayaa loogu sheekeeyay in lasoo booqanayo Haashim oo deggen dalka Spain xilli laga amaba baxayay Denmark, waxaa waqti badan uu ku baxay in la’is waafajiyo xilliga hooyadu ay fasax ka heli karto shaqada iyo wakhtiga uu shaqada ku jiro Haashim, balse dadaal badan kadib waa ay suura gashay.

“Waxa aan soo gaarnay garoonkii ay diyaaraddu ka bixi lahayd iyada oo xaasku aysan marna dareemin qorsheheenna, wiilkayga yar ee Amiir ayaa mar waliba mashquulinayay, ugu dambeynna diyaaradda ayaan gudaha u galnay anaga oo ahayn dadkii ugu dambeeyay, waaxana mar qura is beddelay jawigii diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa oo dhan”, ayuu yiri aabbe Maxamed Bulaale.

Haashim: Duuliyihii hooyadiis kediska uga dhigay in ay saaran tahay dayaarad uu duulinayay iyo sida loo qorsheeyay - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Qoyska

Diyaaradda oo ay saarnaayeen rakaab gaaraya ku dhawaad 190 qof ayaa mar qura waxaa sameecadda laga maqlay codka Haashim oo ku hadlaya luuqadaha Denishka iyo Ingiriiska isaga oo yiri, “Soo dhawaada maanta waxa aan ku faraxsanahay in aan duulinayo diyaarad ay rakaabkeedu ka mid yihiin waalidkey, walibana hooyadey oo ay tahay markeedii ugu horreysay, tanina waa kedis (Surprise) aan ugu tala galnay”.

Mar qura waxaa is qabsaday sacab iyo marxabbeyn waalidiinta Haashim iyo isagaba loogu hambalyeynayo.

“Hooyodiis Anisa ayaa marka ay maqashay codka wiilkeeda mar qura waxaa indheheeda soo buux dhaafisay ilmo fara badan, waxaa ka muuqatay qiiro, waxa ay gashay jawi isugu jira naxdin lama filaan ah iyo farxad, wiilkeedii ayaa u yimid oo ay ku boodday waana ay u hambalyeysay mar kale”, ayuu yiri aabbe Maxamed.

Intaa kadib Haashim waxa uu u soo baxay qaybta gadaale ee rakaabka isaga oo salaamaya waalidiintiisa waxaana, inta uu diyaaradda ku dhex socday oo dhan sacab u waday rakaabkii diyaaradda.

Rakaabka diyaaradda saaran Haashim iyo qoyskiisa oo kaliya ayaa ahaa dad Afrika ka soo jeeda.

  • Maxamed, ninka lagu naaneyso "The Fly" ee sida layaabka leh uga baxsaday gaarigii xabsiga lagu geynayay

  • Sida wiilkan Soomaaliyeed u hirgeliyay adeeg mobile oo Af Soomaali iyo afaf kale lagu barto

  • Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?

Niyad jabkii riyadiisa ka hor intii uusan rumayn

Haashim: Duuliyihii hooyadiis kediska uga dhigay in ay saaran tahay dayaarad uu duulinayay iyo sida loo qorsheeyay - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Qoyska

Xilligii uu ahaa 9-jirka Haashim waxa uu ku fikiray in uu noqdo duuliye diyaaradeed, balse macallimaddiisii xilligaas ee iskuulka ayaa u sheegtay in aysan u suura geli karin iyada oo kula Talisay in uu wax kale ku beddesho hamigiisa duuliye-nimo.

Haashim waxa uu hadalka macallimaddiisa kula laabtay guriga isaga oo waalidkiisa ogeysiiyay waxa uu la soo kulmay, balse waalidku waxa ay u sheegeen in uu baran karo oo noqon karo wixii uu doono isla markaana ay ku garab siin doonaan.

“Sababta ay macallimaddu ugu sheegtay Haashim in uusan duuliye noqon karin waxa ay ahayd labo sababood, mar waa in uu ka dhashay qoys qaxooti ah oo dalkoodii ka soo cararay iyo tan labaad oo ahayd in waxbarashada duuliyenimo ee dalka Denmark ay tahay waxbarashada kaliya ee lacagta lagu barto”, ayuu yiri aabbe Maxamed Bulaale.

Lacag uu isagu uruursaday iyo waalidkiisa oo kaabay waxa u suura gashay in uu dhammeysto waxbarashadiisii duuliyenimo.

Ugu dambeyn Haashim waxa uu ka dhabeeyay riyadiisii isaga oo noqday duuliye, sannado uu waxbarashada ku qaatay ka dib, waxa uu shaqo ka helay shirkad diyaaradeed isaga oo hadda muddo shaqeynaya.

Aabbe Maxamed isagu uma ahayn markii ugu horreysay ee uu raaco diyaarad uu duulinayo Haashim, xilligii uu ku guda jiray tababarka, safarro gaagaaban ayuu dhowr mar u raacay, taas oo ka dhigeysa in duulimaad caalami ah ay u tahay markiisii ugu horreysay.

Haashim hadda waxa uu ka howl galaa shirkadda Norwegian waxaana kaga horreysay shirkad kale oo uu shaqada ku bilaabay.

Haashim: Duuliyihii hooyadiis kediska uga dhigay in ay saaran tahay dayaarad uu duulinayay iyo sida loo qorsheeyay - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Otha Schamberger

Last Updated:

Views: 6295

Rating: 4.4 / 5 (55 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Otha Schamberger

Birthday: 1999-08-15

Address: Suite 490 606 Hammes Ferry, Carterhaven, IL 62290

Phone: +8557035444877

Job: Forward IT Agent

Hobby: Fishing, Flying, Jewelry making, Digital arts, Sand art, Parkour, tabletop games

Introduction: My name is Otha Schamberger, I am a vast, good, healthy, cheerful, energetic, gorgeous, magnificent person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.